Ma ogtahay in qofka oo hurdo ku filan heli waaya ay kordhiso khatarta cayilka saa’idka ah? Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka ay hurdadu ku yartahay ay aad u badsadaan cuntooyinka kaloorisku ka buuxo.
Hurdo la’aantu waxay jirka u keentaa khalkhalxagga dharagta iyo gaajada ah, cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2016-kii ayaa arintaan lagu xaqiijiyay.
Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo “leptin” taasoo qofka dharagta dareensiiso waxuu kaloo dhafarka kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada sidaas darteed hurdo yaraantu waxay sababtaa in qofku cuntada uu iska badiyo.
Xigasho:Daryeel magazine
Hurdo la’aanta uu stress-ku keeno iyo hurdo la’aantu nafaqo darradu (fitamiin la’aantu) keento waxaa badanaa sababo cuntooyinka uu qofku cuno habeenkii ka hor hurdada.
Waxaa jira cuntooyin laga qaado hurdo la’aan oo ay tahay inaad cunistooda ka fogaato habeenkii kuwaas oo aan maqaalkaan ku soo aruurinay.
Khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in kafeega (bunka) la cabo hurdada ka hor, waayo maadadda Caffeine ee ku jirtaa waa baraarujiye ka hortaga hurdada taas oo uusan macnuhu ahayn in maadaddani gama’a uun qofka ka hor istaagayso, balse sidoo kale marka uu gam’o waa ay u diidaysaa in uu hurdo xeeldheer seexdo.
Waxaa shukulaatada madow ku jira maadooyinka “caffeine” iyo “Theobromine” oo labadaba laga qaado hurdo xumo iyo hurdo aan tayo lahayn.
Cabbitaannadaan waxaa ka buuxdo maadada caffeine oo kicisa hab-dhiska neerfaha, taas oo horseedaysa in qofku uu soo jeedo habeenkii oo dhan. Cabbitaannada soodhaha (soda) iyo kuwa loo yaqaanno “energy drinks”waxaa ku badan caffeine-ta sidaas darteed hurdada ayay u daran yihiin, waana in la iska ilaaliyo habeenkii.
Cuntooyinka dufanka badan leh sida beegarka waqti dheer ayay qaadataa in la shiido sidaas darteed uma roona dheefshiidka waxay keenaan dibbiro iyo cillado dheefshiid, tanina waxay horseeda hurdo xumo.
Badarka sonkortu ku badan tahay waxay kiciyaan sonkorta dhiigga taas oo saamaysa hurdada islamarkaana qofka ka hor istaagta inuu helo hurdo xasiloon.
Cuntooyinka kulul ee baskaaska leh iyo filfisha leh waxay kiciyaan gaaska, waxay sababaan laabjeex, taas oo saamaysa tayada hurdada islamarkaana waxay sababtaa in qofka habeenkii oo dhan soo jeedo.
Habeenkii oo lagu casheeyo cunto barootiinku ku badan yahay sida hilibka xoolaha iyo digaagga, waxay yaraysaa barootiinka loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo qaabilsan soo saarista hormoonka lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah dejinta maskaxda iyo hurdada.
Dufanka badan iyo aashitada yaanyada waxay saamayn taban ku leeyihiin tayada hurdada waxaa kiciyaan laab jeexa, waxay keenaan in qofka habeenkii oo dhan uu soo jeedo
Macmacaanka sida xalwada iwm oo habeenkii la cuno waxay sababtaa Khalkhal shaqada hoormoonada ah, taas oo waxyeellaysa tayada hurdada, sidaas awgeed ma fiicno in habeenkii la cuno macmacaan.
Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan in habeenkii la cuno casho aan cuslayn sababtoo waxay calooshu u baahantahay nasiino habeenkii sida jirka qeybihiisaha kalaba ay ugu baahan yihiin. Waxaa la cuni karaa digir aan sonkor badan iyo saliid lagu darin ama qamadi. Cuntooyinka hurdada u fiican waxaa ka mid ah mushaarida, mooska, caanaha, malabka iyo lawska.